Maamulka degmada Doolow, ayaa diiday in Magaalada Muqdisho aan laga soo qaadi karin Maxmaed Cabdullaahi Gardhuub oo ka mid ah siyaasiinta ka soo jeeda gobolka Gedo.

Diyaaradda qaadi lahayd ayaa lagu wargeliyay in aysan soo qaadi karin Gardhuub, haddii ay soo qaadana laga joojinaayo duulimaadyada ay ku tagto Doolow.

Dooddan la xariirta Gardhuub, ayaa ka taagan garoonka iyada Oo Maamulka Shirkadda Fly National ay sheegeen in ay qaadayaan maadaama uu heesto Ticketka diyaaradda uuna ka mid yahay rikaabka saakay loo qaadi lahaa Doolow.

Gobolka Gedo, ayaa guud ahaan Maamulkiisa waxaa si gaar ah gacanta ugu haysay hay’adda NISA saraakiisha ugu sar sareesay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here