Ciidamada Saldhiga Degmada Hodan oo uu horkacayo Gudoomiyaha degmadaasi ayaa xalay howlgalo muhiim ah waxay ka sameeyeen qaar ka laamiga hor mara Taribuunka.

Howlgalkaan oo si gaar ah u daarnaa la dagaalanka Maandooriyaha ayaa waxaa lagu burburiyay inta badan sandaqadihii yar yaraa ee lagu iibnin jirey kuwaasoo qaabab kala duwan loogu shaqeysanayay.

Advertisement

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay qaadeen mar danbana aan laamiga loo ogoleyn sandaqadaha oo awalba sharci daro laamiga loo soo dhigay hadana lagu sii darsaday in daroogo lagu iibiyoo.

Gudoomiyaha oo warbaahinta ka hadlaayay ayaa sheegay inay sanqadaha qaar iyo tukaamada qaar ay ugu tageen wax aan laga maleysaneyn oo daroogo ah xili qaarkood xitaa ku hoos qaraabanayen inay yihiin farmashi dawada laga iibsado.

Gudoomiyaha wuxuu xusay in mid ka mida wadooyinka hodan ay noqotay meesha ugu halista badan oo daroogada lagu iibiyo ayna isugu yimaadaan kuli daroogiistayaasha degmooyimka kale.

“dadkii daroogada lagu qabtay qaarna waan xirnay,kuwana shatigaan kala laabanay,kuwana gabi ahaanba waxaan ka mamnuucay degmada”ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Hodan.

Dhanka kale Gudoomiyaha wuxuu u mahadceliyay Alle SWT ka dib  taliyaha Booliiska Hodan iyo Taliyaha Nabadsugida iska degmadasi oo sida uu sheegay howlgalka fuliyeen.

XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleUnique Furnishings Gloss GREY Large Wardrobe – 5 Door 6 Drawers & Mirrors + Chest Of Drawers + 2 x Bedsides
Next articleAafar Qofoof oo Roobabka dartood ugu geeriyootay Ceel-waaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here