Kaniisad ku taal Dalka Mareykanka ayaa shalay oo axad ahayd waxaa weeray nin magaciisa lagu sheegay Thomas Jacob Sanford kaasoo laayay oo nata dhaafiyay ilaa 4 ruux oo ka mid ahaa dadkii kaniisada ku sugnaa,sidoo kale qaar kale ayuu dhaawacay xili Kaniisadaasi ay ku sugnaayeen dad boqol ka badnaa.
Kaniisadda oo lagu magacaabo Ciise Masiix ayaa ku taal Grand Blanc, oo ah magaalo 60 mayl (100km) waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Detroit ee dalka Maraykanka waxaana goobta soo gaaray booliiska xili wali ninkaweerarka soo qaaday uu ku sugnaa goobta islamarkaana uu isku dayay inuu si wado dilalka.
Ninkaan dadka laayay ayaa adeegsaday inuu dadka gaari jiirsiiyo iyo inuu rasaas ku furo madaama uu sidoo kale hubeysnam, gacan ku dhiiglaha wuxuu sidoo kale dab qabadsiiyay kaniisada iyadoo ugu danbeyna ay Booliisku ku toogteen halka gawaarida ay dhigtaan dadka kaniisada taga.
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan uu gaari jiirsiiyay dad ku jiray kaniisad ku taal Michigan, rasaasna uu ku furay kadibna dab qabadsiiyay dhismaha, sida ay booliisku sheegeen.
Hay’adaha amaanka Dalka Mareykanka ee ka hadlay dhacdadaani ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka weerarka uusan wali u cadeyn balse baarista ay hada ku wadaan in dhacdadu tahay ficil rabshad qorsheysan.
Maamulayaasha Kaniisada ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen dhacdadaani waxay ku sheegeen in ninka weerarka soo qaaday uu hubeysnaa islamarkaana uu dhibaatada inta ugu badan ku geystay rasaas uu ku urey dadkii kaniisada ku sugnaa xili ay ku guda jireen cibaadada, dadka dhaawaca ayaa aad u badan marka laga yimaado 4-ta dhimatay.
XAIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
