Maamulka dugsi sare oo ku yaalla magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka ayaa shahaadadii u diiday gabadh ardayad muslimad ah oo qoob ka ciyaar yar ku samaysay masraxa xilli ay qaadan rabtay shahaadadeeda dugsiga sare.

Gabadha ardayada ah oo lagu magacaabo Xafso Cabdiraxmaan oo 17 sano jir ah ayaa masraxa ku soo gudbisay qoob ka ciyaar yar, kahor inta aysan shahaadadeeda qaadan, si ay ugu maamuusto walaasheed oo dhawaan la dilay iyadoo 14 sano jir ah.

Advertisement

Xafso, markii ay qoob ka cayaaraysay, ardaydii iyo waalidiintii goobta fadhiyey qaarkood ayaa qoslay, taas oo keentay in xafso maamulku u diidaan shahaadadeeda dugsiga sare.

Arrinta ugu daran ayaa ah in markii ay xafladii qalin jabinta dhammaatay kadib xitaa xafso loo diiday in la siiyo shahaadadeeda dugsiga sare.

Maamulka dugsiga oo sameeyay baaritaan ku saabsan dhacdada, waxay soo saareen bayaan ay ku sheegayaan in aysan raali ka ahayn falka ay ardayad xafso ku samaysay masraxa.

Hadda Xafso saas bay ku shahaado la’ dahay, maamulkii dugsigana go’aan uga gaaray.

Muuqaalka arrintaan qeybta commenti-ga ayaan soo dhigay.

Previous articleDeni oo kulan la qaatay Laamaha Amniga Puntland, kadib xilka qaadistii Wasiir Galan
Next articleXabbad-joojin cusub oo mar kale looga dhawaaqay Dalka Suudaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here