HomeWarkiiMaamulka Gal-mudug oo amar ku siiyay Masaajida inay beri khud-ba jimcaadka kaga...

Maamulka Gal-mudug oo amar ku siiyay Masaajida inay beri khud-ba jimcaadka kaga hadlaan Fitnada Alshabaab.

Amar ka soo baxay Wasaarada diinta iyo awqaafta ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa lagu faray masuuliyiinta dhamaan masaajida deegaanada Galmudug ku yaal inay beri khudbada kaga hadlaan fidnada Alshabaab iyo saameynta ay ku leedahay umadda.
Qoraalka ka soo baxay wasaarada Diinta iyo awqaafta maamulka Galmudug ayaa sidan u qornaa:-
“Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Galmudug waxay ku wargelinaysaa dhammaan khadiibyada iyo imaamyada masaajidda ku yaalla deegaannada Dowladda Galmudug in Khudbadda Jimcaha ee toddobaadkan lagu saleeyo mowduuca:
فِتْنَةُ الخَوَارِجِ وَآثَارُهَا الخَطِيرَةُ عَلَى الأُمَّةِ
Waxaan ka rajeynaynaa in khadiibyada ay bulshada si qoto dheer uga sheekeeyaan:
1. Halista iyo fidnada khawaarijta ee ka dhalatay taariikh ahaan iyo midda maanta ay ku hayaan dalka, dadka iyo diinta.
2. Sida ay khawaarijtu halis ugu yihiin midnimada ummadda iyo nabadda bulshada.
3. Waajibka ku aadan Muslimiinta inay iska kaashadaan ka hortagga fikirka xagjirka ah.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxay si buuxda u garab taagan tahay culimada sharafta leh ee u taagan toosinta bulshada iyo kor u qaadidda wacyiga diinta Islaamka”No photo description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -