DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Afar nin oo ku eedeysan dilkii bishii Oktoobar loo gaystay duleedka Dhuusa-mareeb laba nin oo isla dhalatay ayaa maanta lagu wareejiyay Maamulka Galmudug.

Afartaan eedeysane ayaa lagu qabtay duleedka Muqdisho kadibna xabsi ayay dowladu u taxaabtay balse ugu danbeyn waxay u gacan gelisay Maamulka Galmudug si ay iyagu u maxkanadeeyaan madaama fal Danbiyeedku hore uga dhashay deegaanada Galmudug.

Advertisement

Bishii Oktoobar ayay ahayd markii ay ku dileen duleedka Dhuusa-mareeb laba nin oo isla dhalatay kuwassoo kala ahaa Macalin Dugsi Quraan iyo Dhaqtar.

Masuuliyiin ka tirsan  Maamulka Galmudug gaar ahaan Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa markii ay la wareegeen waxay sheegeen inay eedeysanayaasha kala saari doonaan oo kii danhi lehna ciqaabteeda ay marsiin doonaan kii aan danbi lahayna la sii deyn doono.

“Gudoomiyaha Maxkamda Ciidamada Dowlada Somalia Jen.Xasan Nuur Shuute ayaa gacan weyn ka gaystay sidii eedeysanayaashaan gacanteena loo soo gelin lahaa si waafaqsan qeynuunka dowliga ah “ayuu yiri masuul u hadlay Galmudug.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleWasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo shir kaga qeybgalay Dubai+Sawirro
Next articleTareenka Rakaab xume ma badbaadaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here