HomeWarkiiDAAWO: Maamulka Galmudug "marna ma aqbali karno gudi doorasho oo qeyb ka...

DAAWO: Maamulka Galmudug “marna ma aqbali karno gudi doorasho oo qeyb ka ah ol-ole Xisbi ama musharax gaar ah”

DHUUSAMAREEB (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) ayaa shir jaraa’id uu caawa ku qabtay Magaalada Dhuusamareeb wuxuu ka hadlay arintii maanta dhacday kadib markii Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka C/kariin Axmed Xasan  uu maanta ka soo muuqday shir ay lahaayeen laba musharax oo Galmudug u tartamaya taasoo shaki gelisay musharixiinta kale.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) wuxuu si cad u sheegay inay nasiibn daro tahay in Gudoomiyaha Doorashooyinka uu qeyb ka noqday ololaha shaqsi la sheeay inuu yahay musharax u taagan xilka ugu sareeya Dowlad Gobolad Goboleedka Galmudug.

“Dowlada Galmudug marna ma aqbali karto gudi doorasho oo qeyb ka ah ol-ole Xisbi ama musharax gaar ah si loo ilaaliyo hufnaanta cadaalada iyo kalsoonida geedi socodka doorashooyinka,waxaa lagama maar maan ah in la helo gudi dhex dhexaad ah” ayuu yiri Wasiir Cali Seeko

Wasiirkaan wuxuu carabka ku adkeeyay in doorasho xor iyo xalaal ah ay dhici karto kaliya marka la helo gudi lagu wada kalsoon yahay oo ka madax banaan dano siyaasadeed iyo eex kasta.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -