MUQDISHO (DAYNIILE.COM-Waxaa aad looga hadal hayaa gudaha Magaalada Muqdisho sababta Maamulka Gobolka Banaadir uga aamusan yahay ka hadalka cabashada ganacsatad suuqyada waa weyn ee caasimada Dalka.
Waxaa gabi ahaanba hubanti la’aan ah ganacsigii ka jirey suuqyada ugu weyn ee Muqdisho sida Bakaaraha iyo suuq-bacaad kadib markii lagu soo rogay lacag ka baxsan tii sharciga ahayd oo si uun baad iyo daneysi ugu eg.
Shalay waxaa cabasho ka timid suuqa Xamarweyne oo isna ka mida suuqyada qadiimiga ah,  iyadoo ganacsatadu ka cabanayaan isla dhibaatadii lagu hayay suuqyada bakaaraha iyo suuq-bacaad.
Hadaba muxuu maamulka Gobolka Banaadir ugu aamusan yahay dhibaatada ganacsi ee ka jirta suuqyada Xamar? Jawaabta su’aashaan kaliya waxay ku haboon tahay masuuliyiinta Maamulka Dowlada hoose ee Xamar.
Laakiin marka ra’yiga dadweynaha la qiimeeyo waxay u badinayaan in arintu tahay  mashruuc dhaqaale abuur cusub ah,  islamarkaana uuba maamulka laftigiisu gadaal ka riixayo.
Waa sababta koowaad ayaa la leeyahay oo maamulku uga aamusan yahay inuu wax ka qabto cabashada, maxaa yeelay ma jirto cid aan iyaga ahayn oo awood u leh inay suuqyada lacago ka qaadaan walow wasaaarada Maaliyada iyaduna awoodaas leedahay laakiin ah u marto Dowlada hoose.
Sidoo kale waxaa iyagana jawaab laga sugayaa rugta ganacsiga oo ah isku xiraha dowlada iyo ganacatada soomaaliyed.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleWasaarada Caafimaadka oo gaadiid Ambulance ah ku wareejisay Maaamulka G/banaadir+SAWIRRO
Next articleMadaxweyne Xasan oo Xildhibaanada Dumarka ah kala hadlay arimaha dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here