Shir Jaraa’id uu goor dhaw qabtay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayuu si weyn ugu beeniyay warar maalmihii ugu danbeeyay baraha bulshada la isla dhex maraayay taasoo ah in Canshuur laga rabo Dugsiyada Quraanka iyo Masaajida.

Maxamed Axmed Diiriye oo ah Gudoomiye u xigeenka Amniga Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu xusay qorshaha maamulka gobolka Banaadir aysan ku jirin in la canshuuro dugsiyada iyo masaajiidda.

Advertisement

Gudoomiye Xigeenka wuxuu sidoo kale sheegay in ka maamul ahaan halkii Caruurta laga soo saarayay inay wax taraan maahee aysan macquul ahayn  inay wax u dhimaan.

Dhanka kale Masuulkaan wuxuu si gaar ah ula hadlay dadka ku dhaqan Degmada Kaaraan iyo Deegaanka Gubadleey ayuu ka qanciyay cabasho ay Maamulka u gudbiyeen kaasoo ah in laba warqadood oo kala socda cansuur looga qaaday.

“anigoo ka wakiil ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  ma dhici doonto in mar danbe warqado kala socda aad aragtan ,waxaan balan qaadeynaa in hal warqad kaliya aad nagula macaamili doontaan,dadka ka danbeeya waa lala xisaabtami doonaa”ayuu yiri Maxamed Axmed Diiriye

Masuulkaan wuxuu carabka ku adkeeyay inay isku laaban doonaan ayna diyaar u ahayn inay shacabka dulmiyaan,

“shalaad soo gudbiseen cabashadiina maantana waan idin nimid,wixii culeys aad aragteen anagaa  ka jawaabeyna”ayuu yiri Gudoomiye xigeenka.

Si kastaba Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u tagay Gudabdleey iyo Kaaraan inay ka qanciyaan dad degan xuduuda Kaaraan iyo Gubadleey oo ay isku qabsadeen labada dhinac iyadoo mid kastana uu sheeganayay in goobtasi dhankiisa tahay taasoo keentay laba warqad canshuur looga qaaday,wuxuuna Gudoomiye xigeenku balan qaaday inay iyagu kala saari doonaan goobta xuduuda ah.

“waan idinka raali gelineynaa warqadaha kala socda ,anaga diyar uma nihin inaan dulmino shacab ogol canshuurta Dowlada balse raba nidaam sax ah oo ay canshuur ku bixiyaan”ayuu yiri mar kale gudoomiye xigeenka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.

Previous articleGashanle Sare Dayax “waxaan idinku bogaadinayaa sida aad waajibkiina uga gudateen khawaarijtii ku dhuumaalysanaysay Ciid Ciidka+Sawirro
Next articleMuwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here