Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Kusimaha Duqa Magaalada Muqdisho Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure oo ay wehliyaan hogaanka sare ee Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay casho sharaf loo sameeyay Culimada maalmihii lasoo dhaafay ka qeyb galaayay shirka looga hadlayay Doorka Culimadu ay ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda iyo dib-u-heshisiinta oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid.
Munaasabadan lagu maamusayay Culimada ayaa waxaa soo aggaasimay kusmaha Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Ciise Maxamud Guure, isaga oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabada ayaa ugu horeyn culimada ku amaanay doorka ay ka qaadanayaan baraarujinta bulshada, ciribtirka fikirka xagjirka iyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta. Asigoona xusay in wadashaqeyn buuxda oo dhex marta shacabka, culimada, wax-garadka iyo dowladda, lagaga guuleysan karo kooxaha fikirka qalafsan ku gumaadaya shacabka.
Casho sharaftaan Maamulka Gobolka Banaadir u sameeyey culimada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed Axmed Macallin Fiqi, madaxda Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka G/Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar iyo marti sharaf kale.