MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Amar ka soo baxay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Muungaab ayuu dib loogu celiyay Shirkadda DOCOL dhismaha Laamiga Soobbe ee Magaalada Muqdisho kadib markii cilad ay ka timid dayactir ay dhawaan ku sameeyeen markaasoo xarig jarna loo sameeyay.
Shaqaalaha Shirkadda DOCOL ayaa xalay dib u bilaabay hagaajinta laamiga Sobe oo la arkay isagoo kor u soo fuuray, shirkada ayaa qiratay in xageeda uu khaladka ka dhacay waxayna bixisay raali-gelina,si gaar ah shirkada waxay u sheegtay in ciladu ka timid dhanka warshadii sameysay laamiga.
Shirkada ayaa qaadatay masuuliyada dhismaha iyo qarashka madaama hore lacag loogu siiyay balse ay wax ka soo noqdeen ,waxay balan qaadeen inay hagaajin doonaan wadadaasi iyagoon wax qarasha ku dalacin dhanka Maamulka.
Wafdi ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay booqday shaqada dib looga bilaabay wadada Zoope waxaana hogaaminayay C/majid Daahir Aadan oo ah Gudoomiye ku xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
