HomeWarkiiMaamulka Gobolka Banaadir oo doorashada beri u diyaariyay adeegyada Gurmadka degdega+SAWIRRO

Maamulka Gobolka Banaadir oo doorashada beri u diyaariyay adeegyada Gurmadka degdega+SAWIRRO

May be an image of one or more people and suit𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝐃𝐢𝐬𝐞𝐞𝐦𝐛𝐚𝐫 𝟐𝟒, 𝟐𝟎𝟐𝟓: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas oo ku jira heegan buuxa si ay uga jawaabaan xaalad kasta oo degdeg ah oo dhici karta, maadaama magaalada Muqdisho ay galeyso doorasho maalinta berri ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in Dowladda Hoose ay si buuxda u diyaarisay gaadiidka dab-damiska, ambalaasyada iyo shaqaale tababaran, kuwaas oo shaqeyn doona 24-saac, si loo xaqiijiyo bedqabka iyo badbaadada shacabka caasimadda ee doorashada u diyaarsan.
Sidoo kale, maamulka Gobolka ayaa mar kale muwaadiniinta ku baraarijiyey lambarka gaaban oo ah 991, kaas oo ay la soo xiriiri karaan marka ay u baahdaan gargaar degdeg ah.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Hoose ay mar walba u taagan tahay adeegga iyo daryeelka shacabkeeda, isaga oo ugu baaqay bulshada Muqdisho inay si nabad ah, oo masuuliyad leh uga qaybqaataan doorashada maalinta berri ah ka dhaceyso Muqdisho.
Waxaa kulanka ka qaybgalay, Guddoomiye ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Hawlaha Guud, Agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
DHAMMAADMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people, ambulance and textMay be an image of one or more people, ambulance and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of ambulance
May be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people and ambulanceMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of ambulance and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -