Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa shir Guddoomiyaya Kulan looga hadlay adkeynta Amniga Magaalada Muqdisho inta lagu guda-jiro Maalmaha Ciiddul-Adxaa iyo Todobaadka xorriyadda.
Duqa Muqdisho ayaa saraakiisha Ciidamada Ammaanka ku dhiirrageliyay sida ay mas’uuliyadda isaga saareen adkeynta nabadgalyada Caasimadda isaga oo kula dardaarmay in ay kordhiyaan howlaha ay wadaan.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxmed Axmed Diiriye Yabooh oo Warbaahinta la hadlay ayaa Shacabka ka dalbaday in ay xoojiyaan wadashaqeynta Hay’adaha ammaanka.
“Waxaa la is dhaafsaday sida Magaalada Amnigeeda sidii hore looga siyaadin lahaa, shaqo wadajir ah loo qaban lahaa, maalmaha is dulsaaran ee Ciiddul Adxaa & Todobaadka Xorriyadda waxa aan alle ka baryeenaa in uu si nabad ah noogu soo dhammeeyo, madaxda Taliyaasha Ciidamada & Maamullada Degmooyinka waxaa looga baahan yahay in ay iskaashadaan oo mas’uuliyadda Amniga laga soo baxo” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasadda Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Sheegay in Maamulka Gobolka uu wado diyaargarow xooggan oo la xiriira munaasabadda todobaadka Xorriyadda oo ah ka billaabanaya 26ka June kuna siman 1da July.