Warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyay in uu Maamulka qaadan doonno ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Dheere oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada cusub ee ilaalinta deegaanka xamar  ay isugu jiraan Leyli Sarkaal, Saraakiil xigeeno iyo Dabley.

Advertisement

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay dhalinyarada dooneysa in ay ka qeyb noqdaan ciidanka ilaalinta deegaanka xamar laga doonaya sharuudaha soo socda:

  1. Da’diisu waa in ay u dhaxeysaa 20 illaa 25 jir.
  2. Waa in uu heystaa ugu yaraan shahaado Dugsi Sare ah.
  3. Waa in uu san lahayn wax balwad ah.
  4. Waa in uu san ka mid ahayn Ciidanka kale ama shaqaalaha Dowladda.
  5. Waa in uu hesytaa warqad caafimaad oo caddeenaysaa in uu Caafimaad qabo Maskax ahaan iyo jir ahaan.
  6. Waa in uu la yimaadaa gal feyl oo ku dhan yihiin; Warqadda Caafimaad, shaqaadaha waxbarashada, warqadda dambi la’aanta iyo afar sawir.
  7. Waa in uu heysaa damiin iyo in uu ka bixi karo Imtaxaanka laga qaadaya.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa sheegay isdiiwaan galinta in ay bilaaban doonta maalinta sabtida ah oo taariikhdu ku beegan tahay 11 March 2023-ka, ayna ku egtahay 20 march, 2023-ka.

Ciidanka cusub ee ka mid noqon doona Ciidanka ilaalinta deegaanka xamar  ayaa qaadan doonta Tabar, waana markii ugu horreysay Maamulka uu hoggaamiyo Guddomiye Madaale uu shaaciyo in uu Dowladda Hoose ee Xamar ay qaadaneyso ciidan Cusub.