Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Aadan Muuse ayaa Gudoomiyay Shirka Gudoonka Cayaaraha Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyeyaasha Isboortiga ee Degmooyinka iyo Degaanada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Mudane Xasan Aadan Yabarow (Wiish) ayaa ka warbixiyay horumarada iyo dhaq-dhaqaaqa Isboorti ee ka socda Degmooyonka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, iyadoona inta shirka uu socday lagu soo dhaweeyay Guddoomiyeyaal cusub oo dhanka Isboortiga, kuwaasi oo dhawaan loo magacaabay Degmooyinka iyo Degaanada Gobolka Banaadir.

Advertisement

Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Aadan Muuse ayaa kula dar-daarmay Mas’uuliyiinta Isboortiga Gobolka Banaadir in la xoojiyo wada-shaqeynta, isla markaana la dar-dargeliyo howlaha lagu hormarinayo Isboortiga, maadaama cayaaraha ay yihiin isdhex gal bulsho.

Previous articleDhul gariir dhimasho iyo burbur gaystay oo ka dhacay Dalka Taiwan+SAWIRRO
Next articleWararkii ugu danbeeyay Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here