Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Ciise Guure oo ay garab taagnaayeen Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud iyo Maamulada Degmooyinka oo shir jiraa’id ku qabtay Aqalka Dowladda Hoose Ee Xamar ayaa bogaadiyey sida Ciidamada Amniga ay usoo gabagabeeyeen weerarkii  Al-Shabaab ay kusoo qaadeen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir

Guddoomiye Ciise Guure ayaa tilmaamay in ciidamada amnigu ay ku guuleysteen soo afjarida 6 ka tirsan Shabaabkii weerarka soo qaadday, kuwaasi oo mid ka mid ah ismiidaamiyay halka 5-ta kale iyagoo gaarin qorshihii ay la damacsanaayeen shaqaalaha iyo bulshada usoo adeeg doontay xarunta lasoo afjaray.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Ciise Guure ayaa tacsi u diray ehellada  5-ta muwaadin ee ku dhintay weerarkan, isagoo caafimaad u rajeryey inta dhaawacantay.

Falalkan ay geysanayaan Al-Shabaab  waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Shabaab laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka looga xoreynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here