Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka duulayo ilaalinta Iyo bad’qabka laamiga gudaha magaalada Beledweyne oo aay biyaha dul yaaleen mudo bil Kaas oo meelaha qaar uu burbur -xoogan gaaray Ayuu Maamulka Gobolka Hiiraan soo saaray awaamiir looga joojinayo gadiidka Culus Sida Cagafyadda, iyo nuucyada gadiidka xamuulka ah Ee culus iyo wax walbo oo sameeyn ku yeelan karo Inuu burburo laamiga ,waxaana amaraddan la faray Sidoo kalane dhaqan-geliyey laamaha amniga isla Maanta.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow oo garawsan muhiimada Aay leedahay in laga hortago burbur-ka laamiga ku imaan karo madaama biyahii cuslaa aay ka Yaraadeen gudaha magaalada hadii aanan laga Joojin gadiidka culus nuucyadiisa kala duwan madaama laamiga uu yahay dan-guud oo aay Tahay In masuuliyad caam ah leeyska saaro in laga ilaaliyo gadiidka culus ee sameeynta ku yeelan karo , hadii aay isticmaalan xiligaan oo u Jilicsanyahay.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa kaga Mahadceliyay laamaha amniga gaar ahaan NISA Iyo Booliska oo fuliyey dhaqangalka amarkaas Ayadoo aay la wareegeen gadiid Cagaf ah oo Laamiga ku bilaabayay marid aan kala joogsi laheeyn oo sharci daro ah.
Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu ugu baaqayaa Ganacsatada iyo gadiidleeyda iyo inta aqliga u saaxibka ah in loo hogaansamo amaradda Maamulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha amniga Cidii jibiso laga qaadi doono talaabo sharciga Waafaqsan lana wada ilaashado waxyaabaha Danta guud ah oo bulshada Dad iyo gadiidba muhiimad weyn u leh.
WABILAAHI TOOWFIIQ.
DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBALKA HIIRAAN.
Previous articleWasiir Beene-Beene oo Muqdisho ku qaabilay Maamulaha Bangiga Adduunka+Sawirro
Next articleDowlada oo sheegtay in Howlgal lagu dilay Sarkaal Alshabaab ka tirsanaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here