Jowhar, 13-July-2025: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta iska diiwaan-geliyey hannaanka doorasho qof iyo cod ee guud ahaan laga hirgelinayo dalka.Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorrashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Jowhar ee caasimada Dowladda Hirshabeelle waxa ay ka hirgaliyeen xaruntii ugu horeysay oo lagu diiwan-gelinayo dadka ka qeybgalaayo doorrashada.
Dadka ayaa doonayo inay ku ciil-baxaan codkooda waxaan si siman oo ay madax ku jirto loogu dareeray diiwan-gelinta doorashada.
“Shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada Hirshabeelle maanta waxa ay heystaan fursadii ugu wanaagsaneyd, waxaan ku faraxsanahay inaan maanta u soo istaago xuquuqdeyda muwaadinimo.” Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa dardaarankan u jeediyey dadweynaha u jiheystay doorashada.
Guud ahaan degmooyinka iyo deegaanada Dowladda Hirshabeelle ayuu gaari doonaa hannaanka doorrashada dib loogu celinayo dadweynaha.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda










