Gudoomiyaha Degmada Afgooye ahna Duqa Magaaladda Mudane Suldan Abdullahi Mohamed Osman Hiraabe iyo Taliyaha Saldhiga Degmada X/le Mohamed Ali Mohamed ayaa Maanta kormeeray Waaxyaha iyo Goobaha ka ay ka dhici doonto Codbixinta Doorashadda.
Gudoomiye Suldaan Hiraabe iyo Taliye Mohamed Ali oo Mas’uuliyad Weyn iska saaraya in si nabad ah ku qabsoonto Doorashada ayaa la dardaarmay Taliyaasha Rugaha, Gudoomiye Waaxeedyada iyo Teamkan Gudiga Doorashadda.
Gudoomiyaha Degmada Afgooye ahna Duqa Magaaladda Mudane Suldan Abdullahi Mohamed Osman Hiraabe ayaa Sheegay in Maamulka Degmada Iyo Laamaha Amniga u diyaargaroobeen Doorashadda.





















