HomeWarkiiMaamulka Jubaland oo amaro culus dul dhigay shacabka Degmada Dooloow

Maamulka Jubaland oo amaro culus dul dhigay shacabka Degmada Dooloow

War qoraala oo ka soo baxay Hay’adaha amaanka magaalada Dooloow ee Gobolka Geddo gaar ahaan daraawiishta Maamulka Maamulka Jubaland ayaa shacabka Magaaladaasi waxay dul dhigeen amaro culus oo dhanka amniga quseeya.

Qoraalka ka soo baxay Daraawiishta Jubaland ayaa u qornaa sidan:-

OGEYSIIS MUHIIM AH: Taliska Daraawiishta Jubbaland ee Degmada Doolow wuxuu ogeysiinayaa shacabka ku nool degmada iyo nawaaxigeeda, si loo adkeeyo amniga iyo xasilloonida guud, in la dhaqan gelinayo amarada soo socda:

  1. Laga bilaabo taariikhda warqaddan, lama siinayo oggolaansho gawaarida ku shaqeeya beeselka.
  2. Gawaarida lama oggola inay socdaan wixii ka dambeeya 6:00 galabnimo, marka laga reebo xaaladaha degdegga ah ee oggolaansho hore loo siiyey.
  3. Aroosyada looma oggola in ay ka badan yihiin 6 gaari, waxaana sidoo kale si buuxda loo mamnuucay in la wado aroosyo wixii ka dambeeya 5:30 galabnimo.
  4. Indhashareerka (headlights) waa la mamnuucay, lagamana oggolaado gudaha degmada in la isticmaalo.

Digniin:

Qof kasta oo lagu arko isagoo jebinaya mid ka mid ah qodobadan kor ku xusan, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharci ah oo degdeg ah, iyadoo aan la aqbalayn wax cudurdaar ah.May be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -