HomeWarkiiMaamulka Jubaland oo ciidamada Dowlada ku eedeeyay inay hoobiyayaal ku laayeen...

Maamulka Jubaland oo ciidamada Dowlada ku eedeeyay inay hoobiyayaal ku laayeen dad shacab ah

Maamulka Jubaland ayaa warsaxaafadeed uu goor dhaw soo saaray waxay ku eedeeyeen ciidamada Dowlada Somalia ee Balad-xaawo ku sugan inay maanta hoobiyayaal ku garaaceen magaalada kadibna ay ku dileen laba ruux oo shacab ah.
Hadaba warsaxaafadeedka oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
WAR-SAXAAFADEED: Dowladda Jubbaland oo si kulul u cambaaraysay weerarkii maanta ay kooxda Xasan Sheekh u adeegsadeen hoobiye yaasha iyo hubka culus Shacabka Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.
“Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka hoobiyeyaasha ah ee maanta lagu qaaday magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, waxaana falkan fuliyay ciidamo ku sugan Xerada UK ee duleedka Magaalada, kuwaas oo uu
eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud u adeegsanayo xasuuqa iyo barakicinta dadka shacabka ah.
Weerarku oo loo adeegsaday hoobiyayaal laga soo tuuray xerada Uk, wuxuu si toos ah ugu dhacay shacabka aan waxba galabsan, taas oo caddeyn u ah qorshe gardarro ah oo si ula kac ah loogu beegsanayo dadka rayidka ah.
Weerarkan bahalnimada ah waxaa ku geeriyooday laba qof oo shacab ah, kuwaas oo hoobiyayaashu ugu tageen iyagoo guryahooda jooga, iyadoo sidoo kale ay jiraan dad kale oo dhaawacyo soo gaaray.
Ficillada noocan ah waa kuwo aan la aqbali karin isla markaana tariikhda u galay eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud, waana mas’uuliyad dastuuri ah in Dowladda Jubaland ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda.
Waxaan ugu baaqeynaa shacabka Gobolka Gedo in ay gacmaha is qabsadaan, midnimo muujiyaan, isla markaana ka hortagaan ficillada bahalnimada ah ee uu wado eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud.
DHAMMAAD
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -