HomeWarkiiMaamulka Jubaland oo fashil siyaasadeed ku tilmaamay duulaanka Dowlada ee Baydhaba

Maamulka Jubaland oo fashil siyaasadeed ku tilmaamay duulaanka Dowlada ee Baydhaba

KISMAAYO (DAYNIILE.COM )-Wasiirka Warfaafinta Maamulka Maamulka Jubaland CabdiFataax Maxamed Mukhtaar ayaa ka hadlay oo war qoraala ka soo saaray duulaanka la hadal hayo inay Dowlada Somalia ku qaadeyso Magaalada  Baydhaba ee xarunta Kumeel gaarka ah ee Koofurgalbeed.
Wasiirka wuxuu sheegay in hadii dulaankaasi Ciidamada Dowladu wadaan uu dhaco ay fashil siyaasadeed ku noqon doonto Dowlada Soomaaliya.
“Haddii uu Hassan Sheikh Mohamud sii wado duullaanka uu ku qaaday Koonfur-Galbeed, waxaa sii muuqanaysa fashil siyaasadeed iyo mid milatari. Wixii ka dhacay Ras Kamboni waxay u muuqdaan casharro aan la baran oo aan toos looga looxjiidanin waxaana halis jirta ah in xaalad la mid ah ay ka dhacdo Baydhaba” ayuu yiri Wasiir Cabdifataax Maxamed Mukhtaar
Sidoo kale wuxuu xusay inay Haddii ciidamo Soomaaliyeed mar kale maxaabiis ahaan loo qabto, ay noqon doontaa ceeb weyn oo dhaawacaysa sharafta ciidanka iyo sumcadda dowladnimada.
“Taariikhdu way xusi doontaa cawaaqibka go’aamada hoggaanka, gaar ahaan Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo” ayuu mar kale yiri Wasiirka Warfaafinta
May be an image of dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -