KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay maamulka Jubaland ayaa lagu shaaciyay go’aan adag oo geeisnimo leh islamarkana loogu daneynayo danaha qaranka iyo shacabka Soomaaliya.
Warka Jubaland ka soo bxay wuxuu ku saabsanaa lacagta sarifka ee shilin Soomaaliga oo waqtiyadan danbe aad u sii baaba’aya iyadoo aanay jirin wax badal ah oo la xiriira lacagta duqowday taasina waxay keentay in dadku diidaan isticmaalka lacagtya oo aad u jeex jeexan,
Maamulka Jubaland wuxuu amar ku bixiyay guud ahaan ganacsatada iibisa badeecadaha kala duwan in ay aqbalaan isticmaalka Shilin Soomaaliga.
Amarka Maamulka Jubaland ayaa lagu mamnuucay in ganacsatadu diidi karin qaadashada Shilin Soomaaliga, islamarkana waxaa loogu digay ganacsatada diidmada lacagta, sidoo kale maamulka Jubaland wuxuu si cad u sheegay in ciqaab uu mudan doono ganacsade kasta ee ka hor yimaada amarka maamulka ka soo baxay.
Dhanka kale Maamulka wuxuu si adag u beeniyay inay ka maamul ahaan diideen isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga sida maalmihii ugu danbeeyay la shaacinayay, maamulku wuxuu cadeeyay inaysan diidin lacagta soomaaliga islamarkaana wararka nuucaasi ah ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

