HomeWarkiiMaamulka Jubaland oo shaaciyay inay talaabo ka qaadayaan ciidamada Dowlada ee Muqdsho...

Maamulka Jubaland oo shaaciyay inay talaabo ka qaadayaan ciidamada Dowlada ee Muqdsho ka yimid +SAWIRRO

Maamulka Jubaland ayaa maanta Gobolka Gedo gaar ahaan Doolow waxay ku soo bandhigeen ciidamo badan oo wata gaadiid dagaal kuwaasoo ay sheegeen inay kaga hortagayaan ciidamada Dowlada ee maamulka  Gobolka Gedo intiisa badan.
Ciidamadaan waxaa hor kacayay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland garabka Axmed Madoobe kaasoo lagu magacaabo Cabaas Aadan Gurey,wuxuu ciidamada faray inay u diyaar garoobaan howlgalo ama dagaalo ka dhan ah ciidamada Dowlada Somalia ee ka howlgala Gobolka Geddo.
Taliye Cabaas wuxuu ciidamada faray inay Magaalada Balad-xaawo ka saaraan ciidamada Dowlada kuwaasoo dhawaan ka qabsaday halkaasi ciidamada Jubaland markii ay sanadkii hore fooda is dareen.
Taliye Cabaas wuxuu soo hadal qaaday ciidamo dhawaan Dowladu ka soo daabushay Muqdisho kuwaasoo soo gaaray Geddo, Taliyaha wuxuu ciidamada ku booriyay inay si degdeg ah talaabo uga qaadan ciidamadaan Muqdisho laga keenay
Dowladu dhankeeda wax war ah kama soo saarin  ciidamada la hadla hayo in Dowladu ku daabusha Gobolka Geddo iyadoo wararka qaar sheegayaan in Magaalada Luuq ay gaareen ciidamadaasi .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people and daisNo photo description available.May be an image of one or more people and rhinocerosNo photo description available.No photo description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -