HomeWarkiiMaamulka Jubaland oo shaaciyay waqtiga rasmiga ah uu furmaayo Shirka Mucaaradka ...

Maamulka Jubaland oo shaaciyay waqtiga rasmiga ah uu furmaayo Shirka Mucaaradka Kismaayo

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Maamulka Jubaland ayaa maanta ku dhawaqay in Shirka Mucaaradka Dowlada ee la baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu Kismaayo ka furmi doono Khamiista soo socota oo ku beegan 18-ka bishan Decebmber sanadka 20125.

Sida uu yahay qaban qaabada gudiga shirkaan ergada mucaaradka  iyo bulshada rayidka ah ee shirka tagaya ayaa berito lagu wadaa inay bilaabaan safaradooda ay ku tagayaan Kismaayo wuxuuna socon doona ilaa 17-ka bishaan madaama uu shirku bilaabanayo 18-ka bishan.

Siyaasiyiinta sirkaan ka qeybgalaya waxay badankood ka baxayaan Muqdisho waxaana ku soo xiga Magaalooyinka kale ee Nairobi iyo Garoowe.

Gudiga qabanqaabada shirka ee Maamulka JKubaland u xilsaaray howshaan ayaa wada diyaarinaya Hoteelada martida ladejinayo,diyaarinta gaadiidka martida xili dhanka kalana ciidamada amnigu wadaan diyaar garowgooda sugida ergada shirka ja qeybgaleysa.

Si kastaba ujeedka shirkaan ayaa warar badan hore looga shaaciyay iyadoo wararka ugu badan ay sheegayaan in shirkaani waxa ugu muhiimsam ay tahay in mucaaradka oo dhan digiin mid ah gaarsiiyaan Caalamka taasoo ka dhan ah Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan hadii uu doorasho la isku raacsan yahay waqtigeeda ku qaban waayo oo mudo kordhin iyo doorasho aan la isku raacsaneyn uu la yimaado.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -