Wasiir ku xigeenka wasaarada Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamac Jeemis ayaa ka hadlay saadaasha laga bixiyay dufaan iyo roobab la sheegay inay ka dhici doonaan dalal Soomaaliya ay ka mid yahay.

Wasiir ku xigeenka oo wareysi siiyay Idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inay jirto cabsi laga qabo dabeeylo iyo roobab xoogan in ay ka da aan gobolka usbuucyada soo socda.

Advertisement

Maxamed Cismaan Jaamac Jeemis wuxuu xusay ka maamul ahan inay tababaro bixiyeen marka loo eego calaamadaha lagu garto duufaantaan la saadaalinayo gaar ahaan sida lagu garto si sacabku uga feejignaadaan.

“Alle naguma keenee waxaan shacabka leenahay gaar ahaan kuwa ag degan wabiyada iyo baddaha marka aad calaamadaha dareentaan ka dheeraada badad iyo wabiga iyo waliba meelaha biyaha ay maraan”  ayuu yiri Wasiir ku xigeenka

Mar uu ka hadlaayay saadaasha ay bixiyeen sataleytyadu wuxuu tilaamay in Maamulada Hirshabelle iyo Jubaland la saadaaliyay inay saameyn doonto roobabka iyo dabeylaha gaar ahan ay usi darnaa doonto sida uu sheegay dhulka Jubaland.

“reer Jubaand kuwa aan gaari karno iyo waxaan u kala saarnay kuwa baadiyaha fog iyo meelaha ay haystaan kuwa nabad diidka ah ee Alshabaab, waxaan tababanay dhalinyaro aan gurmadka ugu talo galnay laakiin meelaha alshababku haystaan waxaan rabnaa inuu codkeena gaaro waxaana leenahay ka fogada meelaha biyuhu galaan iyo meelaha ay maran marka calaamadaha ama roobabka ay  bilowdaan”ayuu yiri  Wasiir ku xigeenka.

Masuulkaan wuxuu intaasi ku daray inay dhamaan Gudoomiyayaasha degmooyinka iyo deegaanada Jubada hoose u qabteen shir la isku arkay aalada fogaan araga ee Zoom-ka islamarkaana ay ugu sharaxeen sida shacabka loogu gurman karo hadiiba saadaashu run noqoto.

No photo description available.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here