Sida lagu shaaciyay Warbaahin taageerta Maamulka Jubaland Ciidamadooda gaarka ah (Special Forces)Â ayaa xalay ilaa saaka waabarigii howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Hargaysa Yarey ee gobolka Jubada hoose.
Goobta howlgalka uu ka dhacay waxaa ku sugnaa dagaalamayaal iyo saraakiil sarsare oo ka tirsanaa Alshabaab kuwaasoo taargadku ahaa sida warbixinta lagu sheegay markii ay u daateen ciidamada Jubaland iyo kuwa Dowlada Somalia oo iskaashanayay.
Maamulka Jubaland waxaa laga soo xigtay in howlgalkaan lagu dilay guud ahaan 12 Alshabaab ahaa kuwaasoo sadex kamida ay ahaayeen saraakiil sar sare.
Saraakiisha Jubaland waxay sheegeen in Saraakiisha Alshabaab Deegaanka Hargaysa Yareyi ka wadeen abaabul ay si gaar ah u wadeen waxay ugu yeeraan jabhadaha kuwaaso fuliya weerarada gaadmada ah.
Saraakiisha la dilay mid ka mida wuxuu ahaa gacanta midig ee madaxa amniyaadka, xili uu ku howlanaa howlgalo ka dhan ahaa ciidamada Dowlada iyo kuwa Jubaland.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM




