Sida ay barahooda bulshada ku soo qoreen Maamulka Jubaland waxay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya kuwasoo ay ku eedeyeen inay ku howlnayaayeen shirqool ka dhan ah maamulka Jubaland waa sida ay warka u dhigeen.
Qoraalka ay soo bandhigeen reer Jubaland ayaa sidan u qornaa:-
Advertisement
Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa gacanta ku dhigay 6 sarkaal oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya usoo dirtay, kuwaas oo isku dayayey inay ka gudbaan gobolka Gedo una tallaabaan Jubada Hoose, gaar ahaan deegaanka Diif oo ku yaalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, halkaas ayay qorsheynayeen inay ka abaabulaan dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Jubbaland.
Saraakiisha la qabtay waxaa ku jiray shaqsiyaad si weyn looga yaqaan Jubbaland, oo ay ka mid yihiin Zakariye, oo ahaa ilaalada gaarka ah ee taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya iyo Cali Gardhuub oo hore uga tirsanaa saraakiisha Jubbaland.
Tallaabadan ayaa muujineysa feejignaanta ciidamada Jubbaland iyo sida ay uga go’an tahay inay ka hortagaan wax kasta oo carqaladeyn kara amniga iyo xasiloonida gobolka.
Advertisement