HomeWarkiiQodobada ugu muhiimsan Dastuurka Soomaaliya

Qodobada ugu muhiimsan Dastuurka Soomaaliya

Dastuurka cusub ee Soomaaliya.
—–
1-Madaxweynaha Soomaaliya waxaa dooranaya Baarlamaanka.
2-Xildhibaannada waxaa dooranaya shacabka.
3-Ra’iisul wasaaraha waxaa magacaabaya madaxweynaha.
4-Ra’iisul wasaaraha waxaa xilka ka qaadi kara Baarlamaanka.
5-Qofku labo jeer ayuu dalka madaxweyne ka noqon karaa.
6-Da’ada ugu yar ee qofka noqonaya madaxweyne waa 40 sano, da’ada weynaanta lama xadidin.
7-Madaxweynuhu waa inuu yahay Soomaali iska dhal ah. Micnaha qof hooyadii ajinabi tahay madaxweyne kama noqon karo Soomaaliya.
8-Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, labada gudoomiye Baarlamaan iyo gudoomiyaha maxkamadda sare waxaa ka mamnuuc ah iney yeeshan jinsiyad labaad. Waa iney celiyan jinsiyadda ajinabiga ah markii la doorto ama la magacaabo.
9-Madaxweyne, ra’iisul wasaare, gudoomiye Baarlamaan iyo gudoomiyaha maxkamadda sare ma noqon karo qof leh xaas ajinabi ah.
10-Maqaamka Muqdisho wuxuu noqonaya gobal caasimad ah, dadka caasimadda degan ayaa dooranaya Golaha deegaanka oo dooranaya gudoomiyaasha degmooyinka iyo Golaha caasimadda oo iyaguna dooranaya duqa magaalada. Dowladda Federaalka ah ayaa Muqdisho usoo magacaabeysa masuul sare oo maamulaya amniga iyo siyaasadda Muqdisho, halka duqa magaaladu uu masuul ka noqonayo heer maamul.
11-Hadii uu xildhibaanku wasiir noqdo wuxuu luminaya kursiga xildhibaanimada. Qofka badalaya waxaa la waafajinaya xeerka doorashada.
12-Da’ada qaangaarnimada diiniga ah waa 15 sano, da’ada qaangaarnimada masuuliyadda ama xilkasnimada waa 18 sano.
13-Mudo xilleedka rasmiga ah ee Dowladdu waa 5 sano.
14-Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo labada gudoomiye Baarlaman waa iney hantidooda guurtada iyo ma guurtada ah u gudbiyan Hanti-Dhowraha guud ee Qaranka guusha doorashada ama magacaabista kadib.
15-Da’ada xildhibaanka ugu yaraan waa 25 sano, da’ada ugu yar ee wasiirkana waa 30 sano.
Dastuurkan hadii ay xildhibaannadu berri u codeeyaan wuxuu sharciyan dhaqangalaya markii uu madaxweynuhu saxiixo, halka qodobbada heer maamul ay dhaqangalayan 4 bilood ilaa lix bilood gudahood.
WAXAA QOREY: WARIYE C/LAAHI CUSMAN FAARAX
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -