HomeWarkiiMaamulka Jubbland oo Qaramada Midoobe u gubiyay dacwad ka dhan ah  Dowlada...

Maamulka Jubbland oo Qaramada Midoobe u gubiyay dacwad ka dhan ah  Dowlada Somalia 

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladd Goboleed Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa dacwad ka dhan ah Dowlada Somalia wuxuu u gudbiyay Qaramada Midoobe gaar ahaan farageinta dhanka Gobolka Geddo

Maxamuud Sayid Aadan oo kulan fogaan-arag ah la yeeshay xubno ka mida  Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu ku eedeeyay Dowlada dowladda federaalka ay ku howlan tahay burburinta amniga gobolka.

Masuulkaani oo sidoo kale QM kala hadlayay arimaha bini’aadantinimada Gobolka oo sida uu sheegay in xaalad aan wanaagsaneyn ku jirto ayaahadana carabka ku adkeeyay in Dowladu uga sii dartay.

Waxa uu si gaar ah u xusay in dowladda federaalka ay ku howlan tahay tallaabooyin lagu burburinayo amniga gobolka, sida xayiraadda garoomada diyaaradaha, joojinta mashaariicda horumarineed iyo adeegyada bulshada, arrimo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah nolosha shacabka deegaanka.

Madaweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa uga digay Qaramada Midoobay cawaaqibka ka dhalan kara haddii aan si degdeg ah loo joojin ficillada siyaasadeed ee ka socda gobolka, isagoo tilmaamay in arrimahaasi ay wiiqayaan nidaamka federaalka ee dalka lagu heshiiyay.

Ugu dambeyntii, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa baaq u diray waxgaradka iyo shacabka Jubbaland, isagoo ku booriyay inay ka hortagaan qorshayaasha lagu wiiqayo midnimada iyo madax-bannaanida maamulka, kana digay in “shakhsiyaad dano gaar ah leh” ay go’aamiyaan masiirka shacabka gobolka Gedo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people, dais and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -