War saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu dhaleeceeyay falalkii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan awooda ciidan ee dowlada u adeegsatay baajinta banaan bixii looga soo horjeeday Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Jubbaland ayaa nasiib daro ku tilmaantay in ciidamada dalka ee loogu tala galay in ay la dagaalamaan Al Shabaab loo adeegsado in lagu dhibaateeyo shacab Soomaaliyeed oo hubeesneen laguna weeraray masuuliyiin.

Warka kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa loogu baaqay madaxda dalka ugu sareysa in ay ilaaliyaan dastuurka dalka isla markaana ka fogaadaan falalka foosha xun ay ku dhaqaaqayaan.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Jubbaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here