BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koofur-galbeed waxaa goor dhaw ku qabsoomay Shirka Golaha Amniga kaasoo uu shir gudoomiyaya Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Shirkaan oo diirada lagu saaray Xaqiijinta Amniga iyo Adkaynta Sharciga Ciidanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ciidamada Qalabka Sida, Wasiirka Amniga, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo iyo Saraakiisha Hay’addaha Amniga.
Shirkaan waxaa lagu soo qaaday qorshe Koofur Galbeed hada gacanta ku heysa kaasoo dhawaan ay ir gelin doonaan kaasoo ah in ay bilaabayaan hub ka dhigis lagu sameynayo shacabka hubka haysta.
“qof kasta oo hub sharci daro lagu arko waa laga qaadi doonaa ,waa in hada la is diiwaan geliyo cidii sharci u heysta”ayaa
Kulanka waxaa kale oo looga hadlay kor u qaadista amniga sedexda Gobolka ee Maamulkaasi ka tirsan, waxay sidoo kale isla soo qaadeen in maxkamadaha faderaalka iyo kan maamulka ay xooga u saari lahaayeen garsoorka sida maxkamadeynta Alshabaab iyo maxkamadeynta ciidamada dabishiliin xumida la yimaada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM

















