Maamulka Koofur Galbeedka oo maanta deegaanka Washaaqo ee gobolka Bakool ku soo bandhigey ciidanka dadka deegaan ah oo ka qeybgalaya dagaalka Khaawaijta, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka.
Gudoomiye Ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool Mudane Xasan Maxamed Xasan indho, Odiyaasha Dhaqanka Deegaanka ayaa abaabul ka bilaabay Deegaanada; Washaaqo, Dhuurey iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bakool.
Advertisement
Shacabka deegaanadaas ayaa isu diyaarinaya ka qeybgalka Wajiga 2 aad ee Ciribtirka Kooxda Aragagaxisada Alshabaab oo ka socda deegaanada Koofur Galbeedka.