Maamulka Puntland oo uu hogaaminaayo Madaxweyne Saciid C/llaahi Dani ayaa si toos ah uga hor yimid warkii xalay ka soo baxay Isimada Puntland oo aad looga tixgeliyo deegaanadaasi.

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo wareysi siiyay BBC  ayaa warkii isimada ka soo qaaday fikir la mida kan shacanka oo kale ah kadib markii ay Isimadu sheegeen inaan laga gaarin doorasho qof iyo cod ah sidaas darteedna doorashadii hore ee baarlamaanka waqtigeeda lagu qabto.

Advertisement

Wasiirka wuxuu cadeeyay ineysan Ismimadu lahayn awood siyaasadeed balse ay ixtiraam u hayaan.

“Go’aanka doorashada ee qof iyo cod-ka ah waxaa badeli kara oo kaliya maxkamada dastuuriga” ayuu yiri Wasiirku

Hadaba halkaani hoose ka aqriso warsaxaafadeed ka soo baxay Punland oo sidiisa u qoran.

WAR – SAXAAFADEED
Geeddi socodka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland waa mustaqbalka horumarka dowladnimo, amni iyo mid bulsho, Dadka reer Puntlandna ku taamayeen muddo rubuc qarni ah.
Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay ka mira dhaliyeen rajadii dimuqraadiyadda Puntland iyada oo doorasho hal qof iyo hal cod ah lagu soo doortay Goleyaasha Deegaanka ee 33 Degmo.
Dadka Reer Puntland ayaa sidoo kale hamuun u qaba, una diyaar garoobaya in ay codkooda ku doortaan Golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka xiliga ay Guddiga Doorashadu u asteeyeen qabsoomidda doorashada.
Waxaa Dalku yeeshay Xisbiyo Siyaasadeed oo Bulshada ku matala go’aanada masiiriga ah ee ka arriminta siyaasadda doorashooyinka, waxaa kale oo Puntland leedahay hay’ado dowli ah sida Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka (PEC) oo u xilsaaran qabsoomidda doorashada, Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Goleyaasha Dowladda.
PEC waxaa ay diyaarisay dhammaan aasaasiyaadkii doorashooyinka iyada oo wadatashi kala sameysay xisbiyada iyo Golaha xukuumadda oo caawa ansixiyey wax ka badelka Xeerarka muhiimka u ah qabsoomidda doorashada, kuwaas dhaqso loogu gudbin doono Golaha wakiilada.
Haddaba, Dowladda Puntland iyada oo ixtiraamaysa kala ra’yi duwanaanta iyo doodaha ku saleysan hannaanka dimuqraadiga ah, waxaa ka go’an in ay dhageysato talooyinka u hiilinaya horumarka iyo ka mira dhalinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka loo madlan yahay ee hal qof iyo hal cod.
Waxaan ugu dambeyntii ugu baaqaynaa dadka Reer Puntland in ay illaashadaan midnimadooda, dowladnimadooda, una midoobaan qabsoomidda doorashooyinka si Puntland horseed ugu noqoto Soomaali nabad ah, dimuqraadi ah, kuna dhisan hannaanka Federaalka ah.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

May be an image of text

Previous articleIsimada Punland oo go’aamiyeen in doorashadu noqoto nuucii hore ee baarlamaaniga aha
Next articleCali Guud-laawe oo soo dhaweeyey doorashadii Golaha Deegaanka Jowhar, lana kulmay Gudoomiyaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here