Dagaalka hoose ee udhaxeeya Dawlad Gobolleedka Puntland iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa weli umuuqata mid la isku jilbo dhigtay,taas oo la sheegayo in ay dhinacyadu weli kala taagan yihiin meeshii hore.

Shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga ku yeesheen Muqdisho ayey Siciid Deni iyo Madaxda kale isku mid ka noqon waayeen saxiixa qodobadii heshiiska ahaa war murtiyeedkii lasoo saaray.

Puntland ayaa saxiixin war murtiyeedkaasi sabab ay ku sheegtay inaysan qodobada qaar aheyn mid danteeda ku jirin ay udiiday,taas oo maalmo kadib ay Garowe soo saartay inay ka fiirsaneyso kasii mid ahaanteeda dawladda federaalka Soomaaliya.

Professor Xasan Sheekh oo ka mid ah barayaasha jaamacadaha dalka wax ka dhiga aadna ufalanqeeya arimaha siyaasada Soomaaliya ayaa sheegay in Puntland mar kasta tahay mida go’aamisa arimaha siyaasada Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here