Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Maamulka Puntland ayaa si weyn loogu beeniyay inay iyagu ka danbeeyeen dilka sarkaal shalay meydkiisa laga helay Hotel Hargeysa ku yaal kaasoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan sida inuu yahay sarkaal Alshabaab ka tirsanaan jirey halka Maamulka Somaliland iyaguna ku sheegeen inuu sarkaal Booliis hore oo iyaga ka tirsanaan jirey.
Warar waxaa jirey shalay baraha bulshada ku badnaa oo lagu hadal hayay in ninkaani Axmed Caadib la yiraa uu Puntland hore ugu dilay dad u dhashay puntland isagoo markaas Alshabaab ka tirsanaa inkastoo maamulka Somaliland meesha ka saaray inuu Alshabaab ka tirsanaa balse waxaa meydkiisa la kor tagay iyadoo hal xabad ay ku taalo.
Si kastaba Qoraalka Puntland ayaa sidan u qornaa:-
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Dowladda Puntland waxay beeninaysaa wararka maanta lagu faafiyey baraha bulshada, ee lagu sheegay in muwaadin reer Somaliland ah oo ku dhintay Hargeysa ay ka dambaysay Hay’addu.
Hay’adaha amniga ee Dowladda Puntland kama shaqeeyaan khaarajin iyo dilal qorshaysan.
Taas beddelkeeda, waxay wada-shaqeyn dhow la leeyihiin hay’adaha amniga ee mandaqadda, oo ay ku jirto Somaliland. Sidaas darteed, ma jirto sabab ku kallifaysa xadgudub shaqsi ama mid maamul toona.
— DHAMMAAD —
