HomeWarkiiMaamulka Puntland oo ciidamo kala dhex dhigay laba maleeshiyo Beeleed

Maamulka Puntland oo ciidamo kala dhex dhigay laba maleeshiyo Beeleed

Wararka laga helaayo deegaanada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in laba maleeshiyo beeleed ku dagaalameen deegaan lagu magacaabo Roox oo ka tirsan Gobolka Mudug iyagoona isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalka labada Maleeshiyo beeleed sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh xili dhinac kasana uu helayay gurmad.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Maamulka Puntland uu ciidamo u direy kuwaasoo kala dhex galay labada maleeshiyo Beeleed, waxaana xaaladu ku soo laabatay deganaansho walow wali aan gogol loo dhigin dhinacyada si heshiis rasmi ah iyo xabad joojin loo kala saxiixdo.

Ciidamo Daraawiishta Puntland ee ku baxay deegaanka Roox ee maleeshiyaadku isku hayeen waxaa hoggaaminaya Gen.Xanaano kaasoo isaga iyo ciidamada uu watayba ay ka  baxeen Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -