HomeWarkiiMaamulka Puntland oo dhexdooda isku khilaafay xil ka qaadis lagu sameeyay Duqa...

Maamulka Puntland oo dhexdooda isku khilaafay xil ka qaadis lagu sameeyay Duqa Degmada Jariiban

Masuuliyiinta Maamulka Puntland ayaa isku khilaafay dhexdooda xil ka qaadis lagu smaeeyay Duqa Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug taasoo keentay in Wasaarada arimaha gudaha Puntland ay si cad u diido xil ka qaadis iyadoona laashay xil ka qaadistaan.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inaysan sharci ahayn xil ka qaadistaan islamarkaana ay diiday inay aqbasho xil ka qaadistaan.

Hadaba halkaan ka akhriso faahfaahinta warka ka soo baxay Wasaarada arimaha gudaha Puntland:-

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐰𝐞: 𝐃𝐞𝐜𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫 𝟐𝟓, 𝟐𝟎𝟐𝟓: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, kaddib markay dib-u-eegis ku samaysay Mooshinkii lagu sheegay in xil-kaqaadis lagu sameeyey Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Jariiban, waxay halkan ku caddeynaysaa qodobadan soo socda:-
1. Wasaaraddu waxay si cad u diiday in ay aqbasho xil-kaqaadista lagu sheegay in xilka looga qaaday Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Jariiban, maadaama aan la joogin xilligii sharciga ahaa ee la qaban lahaa kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Jariiban, “sida ku cad Xeerka maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee LR.7” qodobkiisa 44-aad, Farqaddiisa 3-aad.
2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay xaqiijineysaa in Guddoomiyaha Degmada Jariiban uu xiligaasi ku maqnaa fasax shaqo oo sharci ah, taas oo meesha ka saaraysa in lagu qaado go’aan xilkaqaadis ah inta uu ku maqnaa fasax rasmi ah.
3. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyada oo tixraacaysa Xeer Lr.7, qodobkiisa 66-aad, farqadihiisa 1-aad iyo 3-aad, waxay caddeyneysaa in aysan goobjoog ka ahayn shirka lagu sheegay in lagu ansixiyey xilkaqaadista Guddoomiyaha, isla markaana aan la soo marin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taas oo ka hor imaanaysa nidaamka iyo habraaca sharci ee u degsan qabashada kalfadhiga Goleyaasha deegaanka.
Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay go’aamisay:-
1. In xilkaqaadistaas ay tahay mid aan sharci ahayn, isla markaana aan waxba ka jirin.
2. In Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Degmada Jariiban uu sii wadanayo gudashada waajibaadkiisa shaqo ilaa amar kale oo sharci ah laga soo saaro.
Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland waxay ugu baaqaysaa Golaha Deegaanka Degmada Jariiban iyo dhammaan hay’adaha dowladaha hoose in ay u hoggaansamaan sharciga, ilaaliyaan nidaamka dowladnimo, kana fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta qalqal amni iyo khilaaf maamul.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -