HomeWarkiiMaamulka Puntland oo eedeyn kulul oo dhanka burcad badeeda u jeedisay Dowlada...

Maamulka Puntland oo eedeyn kulul oo dhanka burcad badeeda u jeedisay Dowlada Somalia

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Maamulka Puntland Bile Maxamuud Qabowsade ayaa eedeyn ba’an oo ku saabsan burcad badeeda Soomaalida wuxuu u jeediyay Madaxda sare ee Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Wasiir Bile Qabowsade wuxuu ku dhaliilay Dowlada soo laabashada afduubyada ay ku kacayaan kooxaha burcad badeeda,wuxuu xusay in Dowlada Somalia ay ka shaqeyneyso oo ay waqti gelineyso sidii ay burcad badeedu u kordhin lahaayeen afdubka ay ku hayana Maraakiibta.

” Madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhamaanayo  iyo team-kiisa waxay ka shaqeeynayaan in ay xoogeystaan falalka argagaxisada iyo burcadbadeeda, sidoo kale waxay qalqal amni ka abuurayaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka ” ayuu yiri Wasiir Bile Qabowsade.

Lama oga sida ay Dowlada Somalia uga jawaabi doonto eedeymahaan culus ee kaha imaanaya dhanka Maamulka Puntland.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of one or more people, newsroom and dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -