HomeWarkiiMaamulka Puntland oo guul ka sheegtay dagaalkii Dhahar kuna eedeeyay Dowlada Somalia

Maamulka Puntland oo guul ka sheegtay dagaalkii Dhahar kuna eedeeyay Dowlada Somalia

DHAHAR (DAYNIILE.COM)-Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Dhahar ee Gobolka Sanag kaasoo u dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidaamada Maamulkaasi ka amar qaata.

Duqa Magaalada Dhahar ayaa saxaafada u sheegay inay ka adkaadeen ciidamo sida uu sheegay ay soo abaabushay Dowlada Faderaalka Soomaaliya islamarkaana ay hada gacanta ku hayaan dhamaan meelihii lagu dagaalamay.

Dagaalkaan ayaa la soo sheegayaa inuu yimid kadib markii Puntland ka dalbatay ciidamada dadka deegaanka ee Maakhir inay ka baxaan magaalada balse ay ka biya diideen.

“kuwii laga soo abaabulay dhanka faderaalka waxay magaalada ka sameeyeen isbaarooyin inay dhigtaan balse hada waa soo afjarnay oo waxaa hada xaalada caadi ku soo celiyay Ciidanka booliska iyo Daraawiishta puntland”ayuu yiri Duqa Magaalada Dhahar

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -