QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israa’iil ayaa toogtay oo dilay ugu yaraan 31 gargaar-doon ah goob cunto lagu qaybinayey oo u dhow marinka loo yaqaanno Netzarim Corridor, ee koonfurta magaalada Qaza, sida uu sheegay difaaca rayidka ee Gaza.
Koonfurta Qaza, ugu yaraan shan falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada cirka ee Israa’iil ee u dhow Khan Younis, oo ay ku jiraan afar ka dhacay aagga al-Mawasi iyo hal qof oo kale oo lagu dilay aagga Qizan Rashwan, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Isbitaalka Nasser oo la hadlay Aljazeera Carabi.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 54,981 falastiiniyiin ah waxaana ku dhaawacmay 126,920, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.
Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM