HomeWarkiiMaamulka Puntland oo ka hadlay Nabadoonkii Duqeynta Drons-ka lagu dilay

Maamulka Puntland oo ka hadlay Nabadoonkii Duqeynta Drons-ka lagu dilay

Open photoSarkaal u hadlay Taliska Booliiska Puntland ayaa saaka ka hadlay duqeyntii xaga cirka ahayd ee shalay lagu dilay Nabadoonkii Gobolka Sanaag Allaha u naxariistee Cumar Cabdullaahi Cabdi.

Sarkaalkaan wuxuu shaaciyay inay dadka deegaanku isla shalayba la soo wadaageen in deegaanka Jiicanyo oo u dhaw Degmada Ceel Buuh ay ka socotay xiligaasi duqeymo diyaaradaha dagaalka ee aan lahayn duuliyaha.

Sarkaalkaan wuxuu xusay in ilaa sedex gantaal lagu dhuftay gaariga uu watay Nabadoonka oo ka soo baxay Degmada Ceel-buuh kuna sii socday Degmada Badhan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhacadada kadib Taliska Booliiska Puntland gaareen goobta dhibaatadu ka dhacday ayna soo arkeen gaariga Nabadoonku saarnaa ee gantaalada lala dhacay,wuxuu intaasi ku daray inay baaritaan horu dhac ah ay sameeyeen islamarkaana ay ku xaqiijiyeen in qofka gantaaladaasi lagu dilay uu yahay Nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi.

“gaariga la duqeeyay wuu burburay , marxuumkana xubin is heysta oo jir bani-aadam looguma tagin”ayuu yiri Sarkaalka

Sidoo kale masuulkaani Booliiska u hadlay wuxuu tilmaamay in Nabadoonkaasi Gobolka Sanaag ka soo jeeda uu ka mid ahaa dadkii Maamulka Puntland kala shaqeyn jirey horumarinta iyo amniga Gobolka Sanaag

“intii baarista aan ku jirnay waxaan ogaanay in Marxuumka oo watay Gaari nooca RAF ah uu yahay qofka gantaalada diyaaradeed lagu dilay islamarkaana gaarigiisu ka soo baxay Degmada Ceel-buuh kuna sii jeeday Degmada Badhan ” ayuu mar kale yiri sarkaalka u hadlay Booliiska  Puntland

Ugu danbeyn Sarkaalkaan wuxuu cadeeyay in Puntland ahaan aysan ilaa hada warbixin ka heyn cida ka danbeysa duqeynta iyo sababta loo dilay intaba ayna baaritaasi ku jiraan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of 9 peopleMay be an image of 11 people and helicopterMay be an image of 2 people and car

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -