HomeWarkiiMaamulka Puntland oo ku dhawaaqay nidaam dal-ku-gal u gaar ah (VISO)

Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay nidaam dal-ku-gal u gaar ah (VISO)

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Masuul ka tirsan Hay’ada socdaalka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaciyay inay sameysteen  nidaam dal-ku-gal u gaar ah (VISO) xili dhawaan Dowlada Somalia ay ku dhawaaqday nidaam si online ah Viisaha loogu dalbanayo taaso u suuragelineysa in qarashka uu gacanta Dowlada si toos ah u galaayo.

Maamulka Puntland wuxuu tilmaamay inay ka qaadayaan 60 Doolar cid kasta oo garoomadeeda ka soo degta oo oo Viisa ka dooneysa kuwaasoo wata baasaboorada ajaanibta ah.

Nidaam dal-ku-galka ah ee Puntland shaacisay inuu gaar u yahay iayay sheegeen inuusan wax xiriir ah la lahayn Kan Dowladda federaalka Somalia.

Sidaan oo kale dhawaa Maamulka Somaliland ayaa iyaguna  ku amartay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah in ay iska indha-tiraan shuruudaha fiisaha elektaroonigga ah ee E VISA  kaasoo ay soo rogtay Dowlada Federaalka Somalia.

Guud ahaan go’aamadaani ka soo baxay labadaan Maamul ayaa ah sheeko aan u soconeyn mana huri doonaan inay Dowlada Somalia ka hoos shaqeeyaan oo ugu yaraan Dowlada la galaan gor-goran siyaasadeed iyo mid dhaqaale qeybsi ah madaama Hawada Somalia ay Dowlada Somalia si buuxda u maamusho.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -