HomeWarkiiMaamulka Puntland oo ku eedeeyay mid ka mida la taliyayaasha Madaxweyne Xassan...

Maamulka Puntland oo ku eedeeyay mid ka mida la taliyayaasha Madaxweyne Xassan inuu ka danbeeyo Daacish-ta  Cal-miskaad ka dagaalameysa

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa eedeyn culus waxay dusha ka saareen Wasiirkii hore ee Amniga Puntland C/samad Gallan balse hada ah La-taliyaha Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh inuu xiriri la leeyahay dagaalamayaasha Daacish ee buuraha Cal-miskaad kula dagaalamaya ciidamada Puntland.

Warkaan oo si gaar ah uga soo baxay Hey’adda PMPF ee Puntland ayaa sidoo kale waxay ku eedeeyeen masuulkaani Vila Somalia ka tirsan inuu isagu ka danbeeyo Daacish-ta ku sugan buuraha Cal-miskaad kuwaasoo dagaalo culus ay maalin kasta dhexmaraan daraawiishta Puntland.

Lama yaqaan sida C/samad Gallan oo ku sugan Muqdisho uu dagaalamayaasha Daacish ku geyn karo buuraha Calmiskaad.

PMPF waa ciidamo puntland u qaabilsan inay ilaaliyaan xeebaha Somalia gaar ahaan dhanka Puntland mana jirto cadeyn rasmi ah oo ay lhada soo bandhigeen marka la eego eedeymahaan culus oo ay Villa Somalia ku jiheeyeen gaar ahaan masuulkaasi ka soo jeeda deegaanada Puntland hadana ah la taliyaha Madaxweyne Xassan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -