Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa sheegay in ay muhiim tahay in awood dheeraad ah la siiyo sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka wabyada ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka dhameystirkiisa laga dhigtay mashruuc, muddo 16 sano ahna aan wax horumar ah laga gaarin, isla markaana uu iska noqday mid la isaga wato laptop si Hay’ado iyo dowlado kale lacago looga helo waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Wasiir dhamancad in dastuurka Somaaliya muddo kooban lagu dhameystiri karo hadii daacad laga noqdo, balse aysan jirin cid arrintaasi xooga saartay.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa kusoo aadaya xilli weli aan la dhameystirin Dastuurka Soomaaliya, isla markaana Hay’adaha kala duwan ee dowladda uu muddo xileedkooda uu dhamaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here