BADHAN (DAYNIILE.COM)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Puntland ilaa 9 ruux ka soo qabteen Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag kuwaasoo isugu jira shacab iyo masuuliyiin kadib markii ay isugu yimaadeen kulan ay ku taagaareen Maamulka Somaliland gaar ahaan Duqii Laas-qorey ay usoo magacowday Maamulka Somaliland.
Talaabada dadkaani uu ku xir xirey maamulka Puntland ayaa ku soo aadaysa xili dhawaan Magaalada Nairobi uu heshiis ku dhexmaray labada maamul ee Somaliland iyo Puntland kaasoo ahaa iskaashi dhanka amniga ah.
Maamulka Somaliland si rasmi ah ugama hadlin dhacdadaani lagu xirey shacabka iyo masuuliyiinta reer Badhan ah taasoo siyaasad lugaha la gashay.
Maaha markii ugu horeysay oo talaabooyin nuucaan ah qaadaan dhinacyada isku haya Badhan ilaa Laas-qorey ee Gobolka Sanaag kuwaasoo isku heysta dhulka iyadoo dhinac kasta sheeganayo,sidoo kale waxaa hada sedex ku soo noqday maamulka cusub ee Waqooyi Bari oo iyaguna dhulkaasi sheeganaya madaama maamulkodu ku dhisan yahay sedexda Gobol ee kala ah Sanaag,Sool iyo Ceyn.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
