Maamulka Puntland oo Nabadoono kale ku xirtay magaalada Bosaaso

Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa markale xabsiga dhigay odayaal dhaqameedyo, kadib howlgal ay ka sameeyeeen gudaha magaalada ganacsiga Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamada ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay labo Nadoobn oo lagu kala  magacaabo, Maxamuud Axmed Rooble iyo Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo).

Nabadoonadaan ayaa ka mid ah waxgarad Jimcihii kulan looga soo horjeeday Xukuumadda Siciid Deni uga qeyb galay magaaladaasi.

Xariga odayaashaan ayaa waxa uu daba socdaa tiro waxgarad ah iyo siyaasiyiin uu ugu dambeeyey, Muuse Cali Jaamac oo la xiray kadib markii ay dhaliileen Puntland.

Valueimpression Placeholder

Xubnahaan ayaa sidoo kale si aad ah uga soo horjeeda heshiiska ay dekedda Boosaaso kula wareegtay shirkadda DP Worl ee laga leeyahay dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

sikastaba ha ahaate Arrintan ayaa waxa ay uga sii dareysaa xiisada ka taagan maamulka Puntland, gaar ahaan gudaha magaalada Boosaaso, taas oo ka sii dareysa marba marka ka dambeysa.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064