HomeWarkiiMaamulka Puntland oo Saaka dil toogasho ah ku fuliyay Haweeneydii gabadha yar...

Maamulka Puntland oo Saaka dil toogasho ah ku fuliyay Haweeneydii gabadha yar dishay

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka Saaka laga helaayo Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa sheegaya in maxkamadu dil toogasho ah ku fulisay hooyo Hodan Maxamuud oo ku eedeysneyd dil ay u geysatay cunug yar oo la nooleyd.

Xukunka Maxkamada Puntland oo hore u dhacday ayaa saaka ugu danbeyn waxaa la fuliiyay xukunkaani oo ahaa qisaasta dilkii hore loogu geystay Saabiriin Saylaan oo ahayd gabar aad u da’ yareyd taasoo si arxan daro ah loo dilay walow la qiyaasayo in Hodan lagu cawiyay dilka.

Muqaalo hore loo shaaciyay waxay cadeynayeen sida arxan darada ah ee gabdhaasi yar dunida loo dhaafsiyay iyadoo jir dil badan uu ka horeeyay intaaneey naftu toos uga wada bixin,Hodan oo saaka loo qisaasay ayaa intii Maxkamadeyntu socotay marar badan isku day inay Maxkamada iska difaacdo walow ay in badana qiraal aheyd.

Ehelada Hodan ayaa isku dayay inay maxkamada marin habaabiyaan si ay u bad baadiyaan laakiin waxaas oo dhan waa shaqeyn waayeen markii la keenay cadeymo ku fulan sharciga iyo nidaamka Garsoorka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -