HomeWarkiiMaamulka Puntland oo shaaciyay in Dowlada Somalia awood u lahayn inay xoog...

Maamulka Puntland oo shaaciyay in Dowlada Somalia awood u lahayn inay xoog uga qaado markabka 

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay hanjabaada Dowlada Somalia u jeedisay Maamulka Puntland kadib qabsashadooda markabkii hubka siday ee Muqdisho ku wajahnaa.

Wasiir Ceydiid wuxuu sheegay in Dowlada Somalia awood u lahayn inay xoog uga qaadaan markabka hubka sida ee Boosaaso ay ku heystaan kaasoo maalmo ka hor lagu qabtay xeebaha Gobolka Bari.

Wasiirka wuxuu cambaareeyay hadaladii hanjabaada u ekaa ee dhawaan Dowlada Faderaalka Soomaaliya ka soo baxay ,wuxuu ugu baaqay Dowlada inay xooga saarto la dagaalanka Alshabaab.

“Xoogga ay sheeganeyso dowladda Somalia ha ku wajahdo la-dagaallanka argagixisada sida kuwa heysta Aadan Yabaal iyo Masaajid Cali Gaduud”ayuu yiri Wasiir Ceydiid

Wasiir Maxamuud Ceydiid Dirir wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in Dowladu sheegato oo u doodo markab sida uu sheegay looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay argagaxisada Daacish.

“Dowlad sharcigeedu ka fuli waayay ceelasha biyaha iyo Aadan Yabaal miyaa inaga markab naga qaadi karta”ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -