HomeWarkiiMaamulka Puntland oo shaaciyay inay howlgalkooda u weecinayaan Alshabaab

Maamulka Puntland oo shaaciyay inay howlgalkooda u weecinayaan Alshabaab

DHAHAR (DAYNIILE.COM)-Masuul u hadlay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaciyay inuu soo dhamaaday guulna ay ka gaareen howlgalkii dagaal ee ka dhanka ahaa kooxda Daacish islamarkaana ay hada howlgalkooda u weecinayaan Alshabaab.
Masuulkaan u hadlay Maamulka Puntland oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Qaraaje  ayaa daboolka ka qaaday in howlgalkii buuraha Calmiskaad ee Daacish ay spoo afjhareen islamarkaana ay ciidamada Puntland hada weerarayaan dagaalamayaasha Alshabaab ee iyaguna ku sugan buuraha Cal-madow.
Kooxdaan Alshabaab ee ku sugan buuraha Cal-madow wuxuu gudiimiyihu ku eedeeyay inay shacabkii deegaanadaasi ka dhigeen waxay dileen iyo waxay barakiciyeen intaba sidaas daraadeed howlgalkaan cusub uu ku wajahan yahay sidii loo wiiqi lahaa kooxdaaasi Alshabaab.
“argagixisada Alshabaab buuraha Calmadow waxay ka geysteen dhac iyo dil aan kala sooc lahayn kaasoo ay la beegsadeen dadka rayid-ka ah  oo aan waxba galabsan, halka qaar kalena si khasab ah uga bara-kiciyeen guryahooda” ayuu yiri Guddoomiye Qaraaje oo ku sugan magaalada Dhahar.
Masuulkaani wuxuu intaasi ku sii daray inay doonayaan in kooxda Alshabaab  si dhammaystiran loo soo afjaro madaama ay dhibaato ba’an ka gaysteen deegaanada Calmadow.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -